Suxufi u dhashay Maraykanka oo lagu dilay dagaalka Ukraine

Published: March 14, 2022

Suxufigan oo lagu magacaabo Brent Renaud ayaa lagu dilay deegaanka Irpin oo 10km waqooyi-galbeed uga beegan caasimada Ukraine ee Kiyeef.

Gaarigii uu la socday suxufigan iyo wariyeyaal kale ayaa la sheegay inay Axaddii shalay rasaas ooda uga qaadeen ciidamada Ruushka oo xiligan hawlgalo ka wada duleedka caasimada Ukraine oo ay isku hareereeyeen.

Suxufiga la dilay ayaa ahaa filim qaade horey ulla soo shaqeeyey jariirada New York Times.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *