Maamul ka tirsan INDIA oo Xijaabka ka mamnuucay Iskuulada

Published: March 15, 2022

Maxkamada Sare ee ismaamulka Karnataka State ee koonfurta dalka India ayaa ogolaatay go’aanka maamulkaasi uu iskuulada uga mamnuucay inay gabdhaha muslimiinta ah xirtaan xijaabka.

Maamulka Karnataka ayaa waxa hada gacanta ku haya xisbiga xagjirka ah ee Raysalwasaare Modi kuwaasi oo in muddo ah waday cadaadis ay saarayeen muslimiinta laga tiro badan yahay ee ku nool dalka Hindiya.

Maxkamada ayaa ku dooday in iskuulada ay ardaydooda ku khasbi karaan inay xirtaan (uniform), isla markaana xijaabka uusan kamid ahayn arkaanta muhiimka ah ee diinta islaamka, waa siday hadalka u dhigeenee.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *