Ukraine: Bandow 2 maalin ah oo lagu soo rogay caasimada Kiyeef

Published: March 15, 2022

Maamulka magaalada Kiyeef ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay magaalada 2da maalin ee soo socota, maalin iyo habeen.

Horey ayuu maamulka bandow usoo rogay xiliyada habeenkii hase yeeshee illaa iyo khamiista ayaa shacabka ku sugan magaaladaasi loo sheegay inay guryahooda ku jiraan.

Amarkan ayaa soo baxay xili ay sii xoogeysatay duqeynta Ruushka la beegsanayo xaafadaha magaaladaasi oo ku dhaw inay go’adoon geliyaan ciidamada Ruushka oo dhowr jiho ka fadhiya.

Maanta oo Salaasa ah ayaa la filayaa inay magaalada Kiyeef booqdaan Raysalwasaarayaasha dalalka Poland, Czech & Slovinia si ay ulla kulmaan Madaxweynaha Ukraine, booqashada hogaamiyayaashan dalalka xubnaha ka ah EU-da iyo NATO ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayo xukuumada Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *