Booqashadii hogaamiyayaasha Poland, Czech & Slovenia ee Kiyeef, UKRAINE

Published: March 16, 2022

Raysalwasaarayaasha saddexda wadan ee Czech, Poland iyo Slovenia ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay Madaxweynaha Ukraine, magaalada Kiyeef.

Booqashada hogaamiyayaashan ayaa ahayd tii ugu horeysay oo madax sare ku tagaan magaalada Kiyeef oo ay hada ku socoto duqeynta ciidamada Ruushka oo ku hareeraysan.

Waxaa si weyn loo qariyey goobta uu kulanka ka dhacayey, iyadoo mar danbe la sheegay in sadexda hogaamiye ay tareen ku yimaadeen magaalada Kiyeef.

Madaxda dalalkan xubnaha ka ah EU-da iyo NATO ayaa sidoo kale kamid ah kuwa u ololeenaya in Ukraine lagu daro Midowga Yurub, waxayna sheegeen in socdaalkoodan uu ahaa mid ay ku mataleyaan dhamaan dalalka EU-da.

Walow Afhayeen u hadlay EU-da uu sheegay in sadexda hogaamiye ay iskood u go’aan sadeen socdaalkan oo aysan ku metalin 27ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment