Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay gaari qarax loo adeegsan lahaa

Published: March 16, 2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheeysan ay ka sameeyeen degaannada Beer xaani iyo Gabdhoole oo qiyaasti 40 km u jira magaalada Kismaayo ku qabtay gaari nooca loo yaqaano Pro Box oo waxyaabaha qarxa ay kooxda nabadiidka Al-shabaab  ku soo  rareen iyagoo toogtay dhagar qabihii gaariga waday.

Sidoo kale ciidanka waxaa ay dileen laba dhagarqabe oo maleeshiyaad Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada dhulka lagu aaso iyagoo soo saaray sadax miino oo  nabadiidka ay dhulka ku aaseen.

Argagaixisada ayaa doonayay inay gaariga qaraxa ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada kismaayo balse Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagartooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *