Doorashada 6da kursi ee ugu danbeysa Xildhibaanada Puntland laga soo doorto

Published: March 16, 2022

Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa shaaciyey Jadwalka Qabashada Doorashada 6-dii kursi ee ugu danbeysa xubnaha Golaha Shacabka ee Puntland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashadda heer dowlad Goboleedka ee Puntland ayaa lagu sheegay in 18-ka bishaan Maarso la qabanayo doorashadda kuraasta ugu dambeysa ee laga soo dooranaayo Puntland kuwaas oo ah lix kursi.

Shalay oo ku beegnayd 15ka Maarso ayey ku eked waqtigii loo jadwaleeyey in lagu soo afmeero doorashadda xildhibaanada golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *