Jubbaland oo shaacisey jadwalka doorashada afar kursi oo yaal Kismaayo iyo 16ka Garbahaarey

Published: March 16, 2022

Guddiga maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyey Jadwalka Qabashada Doorashada 4-tii kursi ee ugu danbeysay ee deegaan doorashada magaalada Koowaad ee Kismaayo, Jubbaland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in 21-ka bishaan maarso la qabanayo doorashadda kuraasta ugu dambeysa ee lagu soo dooranaayo magaalada Kismaayo kuwaas oo ah afar kursi.

Sidoo kale Gudiga Doorashada Jubaland ayaa shaaciyey 16kii kursi oo kamid ah kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Qoraalka ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in muda laba todobaad gudahooda lagu dooran doono kuraastaani, walow aan la shaacin halka ay ka dhici doonto doorashada kuraasta gobalka Gedo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *