Ciidanka Jubbaland iyo Danab oo Howlgalo ka fuliyey Jubbada Hoose

Published: March 17, 2022

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16aad ururka 5-aad ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan ku diley horjoogayaal katirsan argagixisada Alshabaab.

Howlgalkaan, ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo ee gobolka Jubbada hoose.

Deegaanadan oo gabbaad u ahaa haraadiga argagixisada Alshabaab ayaa inta ay howlagalladu socdeen waxaa argagixisada lagaga diley labo horjooge halka lagaga qabsadey gaari nooca Succeed-ka ah, 2 Qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah oo ay ugu talo galeen inay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadaan.

7

Sidoo kale intii ay howlgalladu socdeen ayay ciidamadu waxay raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee deeganadaas ku nool kuwaas oo uga mahadceliyey ciidanka sida ay gurmadka ula soo gaareen shacabkooda oo kujira waqtigii ay ugu baahi badnaayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *