Ruushka oo lagu eedeeyey duqeynta Tiyaatarka magaalada Mariupol, UKRAINE

Published: March 17, 2022

Dowlada Ukraine ayaa ku eedaysay ciidamada Ruushka inay duqeyn la beegsadeen Tiyaatarka iyo xarunta lagu dabaasho ee magaalada Mariupol oo ay ku sugnaayeen kumanaan dad shacab ah oo halkaasi gabaad ka dhiganayey.

Ruushka ayaa saaka oo Khamiis ah beeniyey inay duqeyntan iyaga geysteen waxayna duqeyntan ku eedeeyeen maleeshiyaadka cunsuriyiinta ah ee ka tirsan ciidamada Ukraine ee magaaladaasi ka dhex dagaalamaya.

Magaalada Mariupol oo ah dekadda labaad ee Ukraine ayaa waxaa todobaadkii labaad ku hareeraysan ciidamada Ruushka, in badan oo kamid ah xaafadaha magaaladaasi ayaa ku burburay duqeynta joogta ah ee halkaasi ka socota.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *