Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Published: March 17, 2022

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta isgaarsiinta Hidaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland ee Garoowe.

Waxaa ku soo dhoweeyey xarunta Dhexe ee wasaaradaasi Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timocadde, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaan Xaaji Siciid iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamed Ciise Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale.

Soo dhowayn kadib waxa uu mid mid u booqday Wasiir Dubbe qeybaha kala duwan ee wasaaradda Warfaafinta Puntland, isagoona Bogaadiyay Shaqada wasaaradda iyo shaqalaheedaba.

Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Deegaanada Puntland isgoona Booqasho ku maray Magaaloyinka Gaalakacyo, Garoowe ilaa Boosaaso.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *