Garowe: Xildhibaanada Sacdiya oo markale loo doortay Kursiga Hop129

Published: March 18, 2022

Xildhibaanada ayaa ku guuleysatay Kursiga Hop129 oo ay horey ugu fadhiday, waxayna Xildhibaanadan kamid ahayd xubnihii sida weyn uga soo horjeeday xil kororsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa heshay 99 Cod Ergadii fadhiday, ka dib markii Tartanka isaga hartay Sacdiyo Cabdilahi Salaad oo la tartameysay.

Kursiga Hop198 ayaa waxaa ku tartamay musharax Cismaan Cali Yusuf iyo musharax Cabdiraxman Ciise Maxamed, waxaa ku guulaystay doorashada Cismaan Cali Yusuf oo helay 97 Cod Ergadii fadhiday.

Kursiga Hop191 waxaa ku tartamay Eng.Cabdixakiin Maxamed Jaamac iyo Maxamed C/xamiid Warsame , waxaana ku soo baxay oo ku guulaystay Eng.Cabdixakiin Maxamed Jamac oo helay 101 Cod dhammaan Codadka Ergada.

Kursiga Hop221 oo ahaa kii Ugu danbeeyay Kuraasta Puntland laga soo doorto ayaa waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Xasan Axmed iyo Cali Maxamed Axmed. Musharax Cabdirisaaq Xasan Axmed ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 99 Cod 100 Ergo oo fadhiday halka 1 Qofna uu ka Aamusay.

Saaka ayaa sidoo kale la doortay Xildhibaan Cabdiladif Sanyare guddoomiyaha Mudug oo kusoo baxay Kursiga Hop199 iyo Xildhibaan Maxamed Keyse oo loo doortay kursiga Hop073.

Waxaa sidaasi maanta lagu soo gaba-gabeeyey doorashada dhamaan kuraastii xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *