Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay safiirada dalalka Midowga Yurub

Published: March 18, 2022

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha amaanka iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah isla markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay Mid Wanaagsan balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman kooxaha Argagixisadu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *