Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wadahadlay xaalada Ukraine

Published: March 18, 2022

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Jimce ah khadka Video kulla hadlay Madaxweynaha Shiinaha  Xi Jinping, wadahadalkan oo ah kii ugu horeeyey tan iyo bishii Nofeember oo ay labada hogaamiye yeeshaan.

Labada dowladood ayaa si weyn isugu khilaafsan dagaalka ka socda dalka Ukraine, Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay Shiinaha uga digayey inuu gacan siiyo Ruushka.

Madaxweynaha China ayaa u sheegay Hogaamiyaha Maraykanka in dagaalka socda aysan cidina dan ugu jirin balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga caalamka, wadahadalkaasi labada hogaamiye ayaa qaatay 2 saac.

Shiinaha oo horey heshiis iskaashi ulla galay Ruushka ayaan illaa iyo hada cambaareyn duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxayna dalalka reer Galbeedka ka cabsi qabaan in cunaqabateynta ay saareen Ruushka uu dhabar jabiyo Shiinaha oo xiriir ganacsi iyo mid militari laleh Moscow.

Ruushka ayaa la sheegay inuu dhawaan codsi taageero u diray dowlada Shiinaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *