Ruushka oo duqeeyey magaalada Lviv ee galbeedka UKRAINE

Published: March 18, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa saaka oo Jimce ah duqeeyey magaalada Lviv oo kamid ah magaalooyinka galbeedka Ukraine ee illaa iyo hada ka badbaaday dagaalka ka socda wadankaasi.

Duqeynta saaka ayaa la sheegay in lala beegsaday warshad lagu dayactiro diyaaradaha oo ku taal Madaarka Caalamiga ah ee magaaladaasi, illaa iyo hada ma jiraan faah faahin la xariirta khasaaraha.

Magaalada Lviv ayey ku sugan yihiin dad badan oo kasoo barokacay magaalooyinka ay dagaalada ka socdaan.

Ruushka ayaa u muuqda inuu hada diirada saarayo duqeynta galbeedka Ukraine xili ay Moscow sheegtay inay bartilmaameed ka dhigan doonto duqeynta wadooyinka ay dalalka reer Galbeedka hubka usoo mariyaan ciidamada la dagaalamaya ee Ukraine.

Wuxuu Ruushka Axaddii lasoo dhaafay duqeeyey saldhig Militari oo ku yaal duleedka magaalada Lviv una dhaw xaduuda dalka Poland, halkaasi oo ay horey tababaro ugu bixin jireen ciidamada NATO.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *