Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo Shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga

Published: March 19, 2022

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxwaye ku xigeenka Dowlada Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Shir guddoomiyey shirka billaha ah ee Golaha Amniga Jubbaland.

Madasha shirka waxaa ka soo qayb galay Golaha Amniga Jubbaland oo ka kooban Madaxweyne ku xigeenka 2aad, Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Wasaaradaha Amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Caddaaladda, Taliyayaasha Ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka, Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiil kale.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland, iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan, taas oo sida la wada xusuusan yahay kooxaha nabad-diidku in ay labo-jibaarraan falalkooda amniga liddiga ku ah bisha Soon.

Golaha Amniga Jubbaland ayaa waxay boggaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna isla qaadeen in la xoojiyo howlgalada si dhabarka looga jebiyo dhagarta kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qeybaha kala duwan ee bulshada goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.

         Qodobada uguwaa wayn waxaa kamid ahaa:

  1. In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amniga u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.
  2. In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.
  3. In Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.
  4. In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *