Ruushka oo mid kamid ah gantaaladiisa cusub ku tijaabiyey dagaalka UKRAINE

Published: March 19, 2022

Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay markii ugu horeysay inay Gantaalka cusub ee xawaaraha sare ku socda oo loo yaqaan (Kinzhal hypersonic) u adeegsatay dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka gantaalkan ayaa lagu dhuftay xarun kaydka gantaalada ah oo ku taal deegaanka Ivano-Frankivsk ee Galbeedka dalka Ukraine.

Deegaanka Ivano-Frankivsk ayaa saaran xaduuda wadanka Ukraine la wadaago dalka Romania oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah NATO.

Gantaalkan Kinzhal hypersonic ayaa kamid ah hubka cusub oo ay xooga saareysay sameyntooda xukuumada Putin, waana gantaalada nooca loo yaqaan (cruise missile) oo jawiga hoose ku duula si uusan u qaban radarka difaaca cirka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *