Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland

Published: March 19, 2022

Wasiiru dowlaha Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland oo siwada jir ah Tababar ugu soo xiray Dufcad ka mid ah Ciidanka Asluubta Puntland.

Xerada tababarada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Cali Nuur Garoowe ayaa tababarkaan loogu soo xiray  dufcad ka mid ah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed noqonaysa Ciidanka Asluubta Puntland.

Tababarka ayaa lagu barayay Casharo la xiriira Shuruucda Xabsiyada, ilaalinta Maxaabiista iyo la macaamilkooda iyo difaaca.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland General Bile Farah Cali oo la hadlayay Dufcadan Soo dhammaysatay Tababarka ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay tayaynta iyo tababarda Ciidamada Asluubta Puntland iyo sidii ay u la jaan qaadi lahaayeen Hanaanka diiwaan galinta casriga ah ee ay mareen Ciidamada kala duwan ee Difaaca Puntland.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda Puntland Ilyaas Cabdi Dinix oo isagu si rasmi ah ugu soo xiray tababarka Dufcadani ayaa siiyay dardaaran kala duwan boggaadiyayna taliska Asluubta Puntland iyo dadaalkooda tayaynta Ciidamada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *