RW Rooble oo war kasoo saaray isbedalka guddiga SEIT Hirshabelle iyo Dhameystirka Doorashada

Published: March 20, 2022

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu si dhaw ula socdo juhdiga lagu bixinaayo  dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ee wali harsan, isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna faray dhammaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *