Madaxweynaha Ukraine oo taageero ka codsaday Israel

Published: March 21, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad usoo jeediyey Baarlamaanka Israel ayaa ka codsaday taageero militari iyo mid dhaqaale.

Madaxweynaha Ukraine oo isagu Yahuud ah ayaa in muddo ah olole ugu jiray sidii uu taageero uga codsan lahaa dalalka reer Galbeedka ayaa hada Israel ka codsaday taageero militari.

Xukuumada Israel ayaa illaa iyo hada ka gaabsatay inay faraha la gasho dagaalka ka socda Ukraine, Israel ayaa sidoo kale aan weli ka qeyb qaadan cunaqabateynta la saaray Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa isagu sheega sababaha uu duulaanka ugu qaaday Ukraine ay kamid tahay siduu dalkaasi uga sifeyn lahaa kooxaha cunsuriyiinta xagjirka ah oo ku xoogeysanayey dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay kuwaasi oo sidoo kale cadaadis ku hayey dadka ku hadla luuqada Ruushka ee dalkaasi ku nool.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *