Xuutiyiinta Yemen oo duqeeyey xarumo shidaalka Sacuudiga

Published: March 21, 2022

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadii shalay gantaalo iyo diyaaradaha drone-ka ku weeraray dhowr xarumood oo shidaalka iyo biyaha ee bariga wadanka Sacuudiga.

Weerarkan ugu xoogan ayey la beegsadeen Warshada shidaalka ee Yasref oo ku taal dekada Yanbu iyo xarumaha shidaalka ee gobalka Jizan.

Shirkada Shidaalka ee Sacuudiga Aramco ayaa sheegtay in khasaare kooban uu soo gaaray xaruntooda la duqeeyey oo hakad kooban ku keentay hawlahooda.

Shirkada Aramco ayaa la sheegay in sare u kac ku yimid dakhligeeda tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Ukraine oo ay sare u kacday baahida iyo qiimaha shidaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *