Dagaal ka dhacay Waajid, Bakool

Published: March 22, 2022

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hortegay weerar ay doonayeen nabadiidka Al-Shabaab inay ku qaadaan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaal kooban oo maanta ka dhacay duleedka Waajid ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey nabadiidka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Waajid.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkii argagixisada Al-Shabaab oo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan xogta dagaalkaaas oo dhameystiran.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool ee waqti hore laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *