Madaxweynaha Ukraine oo baaq u diray dalalka Islaamka shirka Doha Forum

Published: March 26, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa khudbad kasoo jeediyey furitaanka shirweynaha Qatar ee Doha Forum oo maanta furmay, isagoo taageero ka codsaday dalalka Islaamka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ka codsaday dalalka Islaamka inay taageeraan Ukraine oo uu sheegay inay ku nool yihiin muslimiin badan oo hada Ruushka ka baro-kiciyey dhulkooda.

Xili hada la gelayo bisha Ramadan oo ah bil ay nabad ku soomi lahaayeen muslimiinta ayey hada muslimiinta Ukraine ku khasban yihiin inay hubka qaataan oo dhulkooda u dagaalamaan, ayuu yiri Mr.Zelenskyy.

Duqeynta Ruushka ka wado Ukraine ayuu la barbar dhigay burburintii ay horey ciidamada Ruushka uga geysteen magaalada Aleppo (Xalab) ee dalka Siiriya.

Dhinaca kale wuxuu xusay Madaxweynaha Ukraine in sidoo kale loo baahan yahay in loo gurmado qaxootiga kale ee caalamka oo uu si gaar ah usoo qaaday xaalada Falastiin, oo uu sheegay in loo baahan yahay in gacan lasiiyo.

Wuxuu ka codsaday Qatar iyo dalalka kale ee batroolka soo saara inay sare u qaadaan wax soo saarkooda si hoos loogu dhigo sicir bararka ku yimid suuqyada caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *