Maraykanka, UK iyo Canada oo cunaqabatayn saaray Militariga Myanmar

Published: March 26, 2022

Maraykanka, Ingiriiska iyo Kanada ayaa cunaqabatayn cusub kusoo rogay xukuumada militariga Myanmar iyo shirkadahooda

Cunaqabateyntan ayaa diiradda lagu saaray saraakiisha sarsare ee militariga, oo ay ku jiraan taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada cirka iyo kuwa lala xiriirinayo ka ganacsiga hubka, cadaadiskan ayaa jawaab u ah weerarrada arxan darada ah ee ay ciidamadu ku hayaan shacabka iyo mucaaradka dalkaasi.

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex nin oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen hubka Myanmar iyo sidoo kale shirkadaha lala xiriiriyay, iyo labo ganacsi oo uu maamulo ganacsade hubka ah oo lagu magacaabo Tay Zaw.

Mareykanka ayaa sidoo kale soo rogay tillaabooyin ka dhan ah Qeybta 66-aad ee ciidamada Lugta Myanmar, oo ah cutub ciidan oo lagu eedeeyay in ay gubeen ilaa 30 qof oo rayid ah iyagoo nool oo ku dhex jira baabuurtooda gobolka Kayah, sanadkii hore.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *