Ruushka oo sheegay inuu soo afjaray Wajiga 1aad ee Hawlgalkoodii Ukraine

Published: March 26, 2022

Taliska Militariga Ruushka ayaa Jimchii shalay shaaciyey in uu soo dhamaaday wajiga 1aad ee Hawlgalka militari oo ay ka wadaan dalka Ukraine.

Militariga Ruushka ayaa warkooda ku sheegay in guulo laga gaaray hawlgalka qeybtii kowaad oo si weyn hoos loogu dhigay cududa militariga Ukraine, hadana ay bilaabi doonaan wajiga labaad oo ah sidii gebi ahaan loo xoreyn lahaa labada gobal ee la isku yiraaho Donbas ee barriga wadanka Ukraine.

Warkan ayaa lagu soo beegay xil muddo bil ah laga joogo weerarka Ruushka ku qaaday Ukraine oo bilowday 24kii Feberaayo, waxaana hada muuqata in Ruushka wax ka bedalay istaratijadiisa weerarka maadaama laga baxay xiliga qaboobaha isla markaana uu doonayo hawlgal cusub uu bilaabo xiliga jilaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *