Biden: “Dilaaga Putin xukunka masii joogi karo” iyo Jawaabtii Mascow

Published: March 27, 2022

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay xaflad ka dhacday caasimada Poland ee Warsaw khudbad uu kasoo jeediyey si adag ugu weeraray Madaxweynaha Ruushka oo uu ku sheegay “Dilaa / Kawaanle” aan xukunka sii joogi karin.

Qoraal goor danbe kasoo baxay Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa lagu yiri in hadalka Biden uu la xariirin qorshe Maraykanka doonayo inuu xilka uga tuuro hogaamiyaha Ruushka.

Biden wuxuu ku sugnaa Poland lugtii ugu dambeysay ee safar afar maalmood ah oo uu ku tagay Yurub, marka laga soo tago la kulanka qaxootiga iyo mas’uuliyiinta Ukraine, wuxuu jeediyay khudbad aad u kulul xaflad lagu qabtay Qasriga caanka ah ee magaalada Warsaw, halkaasoo uu si cad uga digay Putin inuu ku soo duulo dalalka xubnaha ka ah NATO sida Poland.

Madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa war laga soo saaray lagu dhaliilay hadalada Madaxweynaha Maraykanka, iyagoo sheegay in Mareykanka uusan wax awood ah ku lahayn cidda ka talisa Ruushka.

Cidda ka talineysa dalka Ruushka maaha hawl u taal ama wax laga weydiinayo Mr.Biden, Madaxweynaha Ruushka waxaa doortay shacabka Ruushka…”.

Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka; Dmitry Peskov

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *