Guddiga Doorashada Jubaland oo faylasha xildhibaanada cusub ku wareejiyey FEIT

Published: March 27, 2022

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) ayaa maanta xubno kasocday Guddiga FEIT ee heer Federaal ku wareejiyay Faylasha xilibaanada labada Aqal ee lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland ee Kismaayo.

Munaasabada waxaa qayb ka ahaa xubno kasocday Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kuwaas oo dhamaanba goob joog ahaa doorashadii deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland oo laso afmeeray 21-March-2022.

Waxaa weli murran ka taagan yahay qabashada kuraasta Jubaland ee taala gobalka Gedo ee magaalada Garbahaarey, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo baxayey warar sheegaya in doorashada 16kaas kursi lagu qaban doono magaalada Ceel Waaq.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *