ISRAEL: Weerar ka dhacay Hadera oo lagu dilay 2 askari

Published: March 28, 2022

Laba askari oo booliis ah ayaa lagu dilay weerar xalay kadhacay magaalada Hadera ee waqooyiga dhulka Israel maamusho, kadib markii ay rasaas ku fureen labo nin oo reer Falastiin ah oo weerarkaasi geystay.

Labada nin ee weerarka fuliyey ayaa lagu dilay iskahorimaad muddo socday oo ay la galeen ciidamada amaanka ee Israel.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay maalmo kadib weerar kale oo ka dhacay koonfurta Israel oo lagu dilay 4 qof.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerarkan walow aan si madax banaan loo xaqiijin karin cida ay ka tirsanaayeen labada nin ee reer Falastiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *