UKRAINE: Zelensky oo wareysi siiyey warbaahinta Ruushka oo xabad joojin ku baaqay

Published: March 28, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo wareysi siiyey qaar kamid ah warbaahinta madaxa-banaan ee Ruushka ayaa baaq nabadeed u diray dowlada ay jaarka yihiin ee kusoo Duushay.

Zelensky oo ka hadlay wajiga labaad ee wadahadalka Ukraine iyo Ruushka oo la filayo inuu maanta oo Isniin ah ka bilowdo Istanbul (Turkiga), ayaa sheegay in dhinacooda sharuuda koowaad ay tahay “Madax Banaanida Ukraine”.

Wuxuu sheegay hogaamiyaha Ukraine in ay dhankooda diyaar u yihiin inay ka wadahadlaan in dalka Ukraine uu dhex dhexaad u ahaado NATO iyo Ruushka oo uusan dhinac ku biirin, waxay sidoo kale diyaar u yihiin in laga wadahadlo gobalada gooni u goosadka doonaya ee Donbas.

Dowlada Ruushka ayaa warbaahinta Ruushka uga digtay inay siidaayaan wareysigan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *