Wadahadalka Ukraine iyo Ruushka uga furmay Istanbul, Turkiga

Published: March 29, 2022

Wadahadallada & waan waanta nabadeed ee dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa dib uga bilowday Istanbul maanta oo Talaada ah.

Dhanka dowlada Ukraine ayaa sheegtay in wada-hadallada diiradda lagu saari doono fududeynta xaaladda bini’aadantinimo ee magaalooyinka duqeynta ku socoto ee Ukraine.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo labada dhinac dalkiisa kusoo dhaweeyey ayaa ku baaqay in xal nabadeed la gaaro, dalka Turkiga ayaa ah wadanka kaliya ee xubinta ka isbaheysiga NATO ee weli xiriirka wanaagsan laleh Ruushka.

Waxaa sidoo kale socda dadaalo kale oo ay wadaan madax kale sida Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo lagu wado in maanta gelinka danbe uu khadka kula hadlo dhiggiisa Vladimir Putin, sida ay sheegtay Madaxtooyada France, Palace Élysée.

Dagaalka Ukraine ayaa halkiisa kasii socda waxaana maanta ugu yaraan 3 qof ku dhinteen kadib markii uu Ruushku duqaymo ku garaacay dhismaha xarunta dowladaha hoose ee magaalada koonfureed ee Mykolaiv.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *