Axmed madoobe oo lagu eedeyey dib u dhaca doorashada

Published: March 30, 2022

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo ah wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, isla markaana lagu tilmaamo ninka loo wado madaxa hay’adda NISA ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe dib u dhaca doorashada.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa yiri.

Waxa aan wada ognahay in doorashada Golaha shacabku ay heer gebogebo ah marayso. Markaa, mudane Axmed Madoobe oo aan rabin in uu ku qabto doorasho, deegaan doorashada labaad ee Garbahaareey, waxaan oran lahaa, Axmed Madoobe, waxa aan suuragal ahayn:

  1. In laga leexdo heshiiskii 17sept oo ah Law No 30.
  2. In Bulsho dhan oo aqlabiyad ka ah Jubbalaan la seejiyo Matalaaddooda.

Magaalada garbahaarey ayaa ah deegaan doorashada labaad ee Jubaland waxaana yaala 16 kursi, Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu ku qabto meel ka baxsan halkii lagu heshiiyey, taas oo aan haysan sharciyad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *