Israel: Weerar kale oo lagu dilay 5 qof

Published: March 30, 2022

Ugu yaraan shan qof oo uu ku jiro askari booliis ah ayaa ku dhintay weerar xalay ka dhacay magaalada Bnei Brak ee dhulka Israel maamusho ee nawaaxiga magaalada Tel Aviv.

Ninka weerarkan geystay oo ku hubeysnaa qori ayey ugu danbeyntii dileen ciidamada Booliiska.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 3aad oo muddo asbuuc gudaheed ah ka dhaca deegaanada Israel oo ay geystaan rag kasoo jeeda Falastiin.

Waxaana weeraradan lagu soo beegay xili la isu diyaarinayo bisha barakeysan ee Ramadanka, iyadoo qaar kamid ah weeraradan ay sheegatay kooxda Daacish.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *