Sacuudiga oo hakiyey duulaankii Yemen xili ay bilowdeen wadahadalo

Published: March 30, 2022

Militariga Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in ay hakiyeen hawlgaladii ka dhanka ahaa kooxda Xuutiyiinta Yemen, xili dib loo bilaabayo wadahadalada uu garwadeenka yahay Maraykanka.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, Tim Lenderking ayaa soo gaaray gobalka, waxaana lagu wadaa in ay bilowdaan wadahadalo cusub oo dhexmari doona dowlada Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta ee ka taliya caasimada Sanca.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Dr. Nayef Al-Hajraf ayaa sheegay in loo baahan yahay in xabad joojintan dhaqan gasho xiliga bisha barakeysan ee Ramadaan si loogu gurmado malaayiinta dadka reer Yemen ee tabaaleysan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *