Sweden oo 2 milyan ugu deeqday gurmadka abaaraha Soomaaliya

Published: March 30, 2022

Deeqdan oo lasoo marsiinayo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa qeyb ka ah mashruuca looga hortagayo saameynta abaaraha soo noqnoqday.

Lacagta 2 milyan oo dollar ah ee ay bixinayso hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka dhigan deeq dheeri ah oo ay Sweden ka geysatay musiibooyinka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa lagu maalgelin doonaa mashruuca BRIMS (Dhismaha adkeysiga Shabeelada Dhexe) oo ay fulineyso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO.

Sweden ayaa horay ugu yaboohday in ka badan 3 milyan oo dollar in mashruucan laga fuliyo Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *