Aqalka Cad: Putin waa la marin habaabiyey

Published: March 31, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la-taliyayaashiisu si khaldan ugu warameen hawlgalka ciidamada Ruushka ee Ukraine, sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Washington DC.

“Waxaan haynaa xog ah in Putin uu dareemay inay marin habaabiyeen saraakiisha militariga Ruushka,” ayey tiri Kate Bedingfield, oo ah madaxa isgaarsiinta ee Aqalka Cad iyada oo la hadleysa Reuters maalintii shalay ee Arbacadii.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa dhowr jiho laga hakiyay kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeeen ciidamada Ukraine.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in ay heleen xog-sirdoon oo tilmaamaysa in Putin uu dareemay in ay marin habaabiyeen militariga Ruushka, taas oo keentay in khilaaf joogto ah uu ka dhexeeyo Putin iyo hoggaankiisa milatariga.

“Waxaan rumaysanahay in Putin ay si khaldan ugu wargeliyeen la-taliyayaashiisa shaqada liidata ee milatariga Ruushka iyo sida cunno qabateyntu u curyaamisey dhaqaalaha Ruushka, sababtoo ah la-taliyayaashiisa sare ayaa aad uga baqaya inay runta u sheegaan Putin” ayay tiri Kate Bedingfield

Aqalka Kremlin-ka ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay subaxnimadii Khamiista.

Ruushka ayaa weerar ballaaran ku qaadey dalka Ukraine 24 Febaraayo, guusha keliya ee uu soo hoyatey ayaa ah in uu burbur xooggan u geystey magaalooyinka Ukraine, isla markaana dalka ay isaga qaxaan malaayiin qof.

Ujeedada ugu weyn ee Ruushanka ayaa lagu sheegay in doonayo in uu goosto gobolka Donbas oo dhan, waxaana uu cabsi ka qabaa NATO oo xayndaabkiisa soo degtey.

Maalinta jimacada ee 01 Abril ayaa lagu wadaa in wada hadalka labada dal ee Ruushka iyo Yukrayn oo dalka Turkiga ka sii socdo, iyada oo wada hadalkii u danbeeyey xoogaa guul ah laga gaarey, in nabad la heli karo.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *