Boqor Burhaan Oo Safar Ugu Baxay Deegaanada Abaaruhu Saameeyeen

Published: March 31, 2022

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey deegaanka Dharoor ee degmada Iskudhuban ee gobolka Bari.

Ujeedka socdaalka boqor Burhaan iyo wafdigiisa ayaa salka ku haya u kuurgalida xaaladda abaareed ee ka jirta dalka iyo siddii garab loo siin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Boqor Burhaan oo la hadlay cuqaashii, waxgaradkii iyo bulshaweyntii kusoo dhowaysay deegaanka Dharoor ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey soo dhowaynta, wuxuuna alle ka baryey inuu raxmadiisa ku irsaaqo.

Qaar kamid ah masuuliyiintii qaybta ka ahaa wafdiga boqorka oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Faarax Khaliif, Shiikh Fu’aad Afloow iyo Xildhibaan hore Cabdirisaaq Dhagahoray ayaa sheegay inay dadka abaaraysan la qaybsanayaan xanuunka, isla markaana gacan ka geysanayaan siddii loogu gurman lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *