Madaxweyne Deni oo loogu baaqey in uu xilka wareejiyo -DAAWO

Published: April 1, 2022

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa shir ku yeeshey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana ay ka hadleen xaaladda Puntland ee sii cakirmeysa sida ay sheegeen, kadib markii Madaxweynaheedi sheegay in uu boorsooyinka u xir-xirtay Muqdisho, iyada oo xalkii aanu wareejin.

Siyaasiyiinta ka soo qayb-galay kulan waxaa kamid ahaa Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaaliya Daaud Maxamed Cumar (Bisinle) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa war-saxaafadeedka u akhriyey saxaafadda waxaana uu yiri:

“……Saddexdii sano ee la soo dhaafey Siciid Deni kama shaqeyneyn arrimaha Puntland sida isaguba sheegtay, waxaana uu Puntland uga tegi doonaa dhaxal ay adag tahay qofka ka danbeeya aanu xalin karin, amnigii oo faraha ka baxay kadib markii ciidamadii la isku diray, waxaa soo baxdey in dadkii labeenta ahaa amnigooda ku aamini waayaan gudaha Puntland, sidaas darteed waxaan ku baaqeynaa shir degdeg ah oo isimada iyo waxgaradku isgu yimaadaan.

Ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa ugu baaqey Madaxweynaha Dowald goboleedka Puntland Siciid Deni in uu xilka wareejiyo ka hor inta aanu u hanqal taagin Dowladda federaalka.

Daawo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *