Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Taliyayaal Cusub

Published: April 1, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland iyo Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Karkaar.

Hoos ka akhriso wareegtada:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    Ciidanimo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.
  2. Waxaa G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *