Dab xooggan oo qabsadey suuqa Hargeysa ayaa socdey in ka badan 10 saacadood.

Published: April 2, 2022

Suuqa weyn ee Waaheen magaalada Hargeysa ayaa fiidnimadii jimcada dab xooggan ka kacay kaas oo la xakameyn waayey kuna fidey inta badan ee Suuqa.

Dabka ayaa burbur lixaad leh gaarsiiyey dhisamayaasha suuqa iyo hantidii taaley, waxaana ku burburey hanti malaayiin dollar ah.

Dabka oo ka bilowdey bakhaar ku dhaw dooxa Hargeysa wax yar kadib salaadii Cishaha sida ay goobjoogayaal sheegeen waxaana uu ku fidey suuqa ugu weyn magaalada, dabka fiditaankiisa waxaa ka qaybqaatey kaalimaha shidaalka, hoosooyinka suuqa ee baca iyo jiingadaha ka sameysan, sidoo kale waxaa xirnaa jidadka looga gurman lahaa suuqa si loo damiyo dabka.

Ilaa hadda si rasmi ah khasaaraha looma shaacin, ilaa hadda ma jirto khasaare nafeed oo la og yahay.

Kooxda dabdemiska ayaa weli la dagaalaya dabka sidii loo demin lahaa, waxaana taageeraya shacabka.

Mayorka magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge oo saxaafaddu wax ka weydiisey ayaa yiri waxaan ahay Mayor magaaladiisi gubaneyso, hantidiisi gubanayso, rabbi waxaan weydiisan in uu beddel khayr qaba na siiyo, waxa uu dalbadey in gargaar lala soo gaaro.

Habeenkii xalay ee bisha ramadaan bilatey ayaan laga seexan Hargeysa, waxaana lagu tilmaamey khasaarihii ugu weynaa ee waaydan soo gaara Suuqyada Soomaalida.

Keyse Aadam
Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *