MALI: Ciidamada oo sheegay inay dileen in ka badan 200 maleeshiyaad ah

Published: April 2, 2022

Ciidamada Mali ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen bartamaha gobolka Saaxil ay ku dileen 203 dagaalyahan, iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalkaasi uu sheegay inay maqleen warbixinno ku saabsan dhimashada dad rayid ah, taasoo sare u qaadeysa walaaca dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Ciidanku waxay sheegeen Jimcihii shalay in hawlgalku uu ka dhacay gobolka Mora ee badhtamaha Maali intii u dhaxaysay 23-kii ilaa 31-kii March. Waxa ay qabteen 51 qof oo ay ku qabteen hub aad u badan, sida lagu sheegay bayaanka ciidanka.

Hadalka ciidanka kasoo baxay ayaa lagu soo beegay iyadoo warar badan oo baraha bulshada lagu qoray todobaadkan, lagu sheegay in tobanaan qof oo rayid ah ay ku jiraan dadka ku dhintay hawlgalka ka dhacay gobalka Mora.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *