Sri Lanka: Bandow lasoo rogay kadib rabshado ka dhashay qiimaha Shidaalka iyo Cuntada

Published: April 2, 2022

Booliiska Sri Lanka ayaa ku dhawaaqay bandow 36 saacadood ah ka hor mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda oo la xariira cunno yarida, qiimaha shidaalka iyo dawooyinka ee wadankaasi.

Bandowga ayaa dhaqan gali doona maqribnimada sabtida waxaana la qaadi doonaa subaxa isniinta, booliisku ayaa go’aankan ku dhawaaqay maalin kadib markii Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa uu soo rogay xaalad deg deg ah oo siinaya mas’uuliyiinta awoodo dheeraad ah ka dib mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi oo aan horay loo arag.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *