Xuutiyiinta Yemen iyo Sucuudiga oo xabbad joojin ku heshiiyey

Published: April 2, 2022

Xuutiyiinta dalka Yemen iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku heshiiyey laba bilood oo xabbad joojin ah taas oo ka bilaameysa maanta oo Sabti ah, sida laga soo xiganaya Ergayga Qaramada Midoobey ee Yemen Ergeyga Qaramada Midoobay Hans Grundberg.

Dhexdhexaadinta ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo kooxda Xuutiyiinta ee garabsaarka la leh dalka Iran, ayaa ah tallaabadii ugu mudnayd ee loo qaaday, in xal waara laga gaadho colaadda dalka Yemen, oo ay ku nafwaayeen tobanaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku keentay macaluul daran, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xabbad joojintan ayaa lagu beegay bilashada bisha Ramdaan, waxaase ka faa’ideysanaya shacab badan oo duqeynta joogtada ah dhibaato ka soo gaareysey.

Dagaalada dalka Yemen ayaa bilowdey sanadkii 2014, kadib markii Isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ku qaadeen weerar xoog leh magaalooyinka Xuutiyiintu ka taliyaan. Mudadadii dagaaladu socdeen waxaa ku nafwaayey Nus Malyuun qof, waxaana burburey dhamaan noloshii dadka reer Yemen haysteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *