Pakistan: Mooshinkii Raysalwasaaraha oo la joojiyey iyo xiisada Siyaasadeed

Published: April 3, 2022

Raysalwasaare Imran Khan ayaa ka codsaday madaxweynaha inuu kala diro baarlamaanka oo uu qabto doorasho ka dib markii la laalay mooshinkii kalsooni kala noqoshada xukuumadiisa.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay mooshinkan mid ka hor imaanaya dastuurka dalka Pakistan, isaga oo sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe ay ‘awoodo shisheeye’ ku doonayaan in ay ku farageliyaan hannaanka dimoqraadiyadda ee Pakistan.

Mucaaradka, oo rajaynayay inay kursiga ka tuuraan Ra’iisul wasaare Khan, ayaa cambaareeyey go’aanka guddoomiye kuxigeenka ku horjoogsaday mooshinkan.

Hoggaamiyaha mucaaradka Bilawaal Bhutto Zardari ayaa sheegay in mucaaradka wadajirka ah ay dacwad ka dhan ah guddoonka Baarlamaanka u gudbin doonaan maxkamadda sare.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment