Ruushka oo gebi ahaan ciidamadiisa kala baxay nawaaxiga caasimada Ukraine ee Kyiv

Published: April 3, 2022

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay gobolka Kyiv kala wareegeen ciidamada Ruushka, iyadoo saraakiishu ay ka digeen in askarta baxaysa ay xaalad “masiibo ah” ku abuurayaan dadka rayidka iyagoo dhulka ku aasaya miinooyinka.

“Gobolka Kyiv oo dhan waa laga xoreeyay Ruushka soo duulay,” wasiir ku xigeenka difaaca Ukraine, Hanna Malyar, ayaa ku soo qortay Facebook.

Guud ahaan, ciidamada Ukraine ayaa dib ula wareegay in ka badan 30 magaalo iyo tuulooyin ku xeeran Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha.

Magaalooyinkii dib looga qabsaday ayaa waxaa ka muuqday nabarada dagaalka oo socday muddo shan todobaad ah, waxaana la burburiyay gawaarida gaashaaman, agabka ciidamada iyo tobanaan meydad ah oo daadsan wadooyinka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *