Madaxweynaha Sri Lanka oo ka codsaday mucaaradka inay wada-dhisaan dowladda midnimo Qaran!

Published: April 4, 2022

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ku baaqay maanta oo isniin ah dhisamaha dowlad midnimo Qaran si ay wax uga qabato dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta, iyadoo wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe ay u soo bandhigeen inay is casilaan.

Dalka deymaha lagu leeyahay ayaa la daalaa dhacaya sidii uu isaga bixin lahaa shidaalka iyo badeecadaha kale ee dalka soo gala, xili uu sicir barar ka jiro suuqyada caalamka, taasi oo shacabka dalkaasi ku keentay koronto la’aan iyo gabaabsi ku yimid maciishada.

Dowlada ayaa ku fashilantay inay dhaqan geliso bandow ay soo rogtay si ay uga hortagto mudaharaadyada balaaran oo ay shacabka dhigayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *