Ukraine oo ku eedaysay Ruushka Xasuuq kadib meydad badan oo laga helay magaalada Bucha

Published: April 4, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in hoggaanka Ruushka uu mas’uul ka ahaa dilka (xasuuqa) dadka rayidka ah ee ka dhacay magaalada Bucha ee duleedka Kyiv, halkaasi oo laga helay meydad daadsan waddooyinka ka dib markii magaalada ay dib ula wareegeen ciidamada Ukraine.

Waxaa isa soo tareysa cambaareynta Beesha Caalamka ka dib markii la helay xabaalo wadareedyo iyo meydadka dad rayid ah ee magaalada Bucha oo gebi ahaan ku burburtay dagaalka.

Ruushka ayaa beeniyay in dad rayid ah ay ku dileen magaalada Bucha oo ay maamulayeen tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee duulaankooda oo bilowday 24-kii bishii February.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *