Galmudug oo caddeysey mowqifkeeda, khilaafta cusub

Published: April 5, 2022

Kadib markii Raysalwasaare Rooble uu si toos ah ula wareegay go’aamada shahaado bixinta Xildhibaanada, kadibna uu beegsadey qaar kamid ah Guddigii FEIT oo uu sheegay in uu xubinimadii ka xayuubiyey, ayaa Dowlad goboleedka Galmudug mowqifkeedi caddeysey, iyada oo horey Koonfur Galbeed ayba joojisey wada shaqeyntii Rooble, hoos ka akhri Go’aanka Galmudug.

Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *