Hogaamiye kooxeedkii Darfur oo lasoo hortaagay Maxkamada Caalamiga ah ee ICC

Published: April 5, 2022

Hogaamiyihii hore ee Maleeshiyada Suudaan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee maanta oo talaado ah la soo taago maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC oo loo haysto dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka dalka Sudan.

Ali Muhammad Ali Abd-Al-Rahman, oo 72 jir ah, waxa uu xulafo la ahaa Cumar Al-Bashiir Kalitaliyhii Sudan ee xukunka laga tuuray, waxa uu ahaa taliye sare oo ka tirsan maleeshiyada Janjaweed, oo ahayd jabhad hubaysan oo ay samaysay dawladda Sudan.

Haddii lagu helo danbiga, Abd-Al-Rahman waxa uu wajahayaa 31 dacwadood oo isugu jira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo sanadihii 2003-2004 ka dhacay gobolka galbeedka Suudaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300,000 oo qof ay ku dhinteen 2.5 milyan oo qofna ay ku barakaceen dagaalladii Darfur ee 2003-2004tii.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *