Cunno qabatayn cusub kadib Xasuuqii magaalada Bucha, Ukraine

Published: April 5, 2022

Maraykanka iyo Yurub ayaa qorshaynaya in cunaqabatayn cusub lagu soo rogo Moscow maanta oo salaasa ah, cadaadiskan horleh ayaa ah ciqaabta xasuuqa la sheegay in ciidamada Ruushka ka geysteen magaalada Bucha ee waqooyiga dalka UKraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay sheegay in ay filayaan in dhawaan la helo xabaalo wadareed kale ee dadkii ay ciidamada Ruushka xasuuqeen, xogtan oo soo baxeysa kadib markii Ruushka ka baxay goobo badan oo uu horey u qabsaday ee nawaaxiga caasimada Kyiv oo ay hada dib ulla wareegeen ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in maxkamad la soo taago Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sidoo kale Mareykankana ayaa sheegay inay ka codsan doonaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in Ruushka laga xayuubiyo xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka.

Maanta ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kulan gaar ah ka yeesho xaalada Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *