Degmada Ufeyn oo ay ka dhacayso doorasho

Published: April 6, 2022

Ufeyn: Waxaa maanta lagu wadaa in la fariisiyo 27 Xildhibaan oo shacabku soo doorteen doorashadii ugu horeysey ee nidaamka Xisbiyada, ee dhacdey lixbilood ka hor.

Golaha deegaanka ee Ufeyn ayaa ka kooban 27 Xildhibaan waxaana ay ka kala socdaan ilaa afar urur oo aan midna haysan aqlabiyad uu ku dhiso gole deegaan.

Labada urur ee SINCAD iyo Mideeye ayaa samaystey Isbahaysi ay golaha deegaanka ku dhisayaan, waxaana labada urur isku dar ay haystaan 15 Xildhibaan. Ururka muxaafidka ah ee KAAH ayaa haysta 10 Xildhibaan, halka urarada Mustaqbal iyo Horseed midkasta uu haysto hal xildhibaan.

Dhanka Isbahaysiga waxaa mayorka u sharaxan Axmed Abshir oo ka tirsan ururka SINCAD, halka ururka Mideeye uu u sharaxan yahay ku-xigeenka Mahad Cabdi Xasan. Ururka KAAH ayaa leh Musharax Maayor oo lagu magacaabo Axmed Jeensayr, ilaa hadda ma muuqato cidda ay ku xigeen u wataan.

Xogaha Horseed ka heleyso hoolka doorashadu waxay sheegayaan in ururada mucaaradku ay haystaan isku dar ilaa hadda 15 Xildhibaan haddii aan wax kale is bedelein.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *