Puntland: Himilada Qof & Cod Iyo Hagardaamada Dowladda [Op-Ed]

Published: April 6, 2022

Waxay hilaada ku beeganayd bishii June 2019 markii Madaxweyne Deni ku dhowaaqay Guddigii doorashada iyo hirgelinta nidaamka qof iyo cod oo Puntland ka hirgeli waayey tan iyo markii dhidibada loo taagey.

Dadku badanaa aad baa loogu riyaaqay talaabadaas uu Madxwynuhu qaaday bilawgii markii la doortay wax yar ka dib, waxaana loo arkay inay tahay talaabo xilli ku haboon la qaaday. Intaas waxaa dheeraaa balanqaadkii iyo hadaladii wacnaa ee uu Madaxweynuhu u sheegay dadka kuwaas oo ku saabsanaa hirgelinta nidaamka aan kor ku soo xusnay.

Hase yeeshee af iyo ficil is khilaafsani waa dhibaatee waxaa dhacay arrimahaan hoos ku qoran .

Waa Ramadaan wax igu kelifaya inaan been sheego ma jirto laakiin arrimaahaan waa dhacdoiyin dhab ah oo dhacay kuwaas oo muujinaya sida aysan dawladda Deni dhab uga ahayn hirgelinta nidaankaan iyo sida qawlka iyo ficilka dawladdu u kala duwaaa:-

  1. Markii la asaasay ururadda siyaasadda dawladdu durba waxay ku dhaqaaqday inay ururadaas curdinka ah ka dhigato kuwo maqaarsaar ah oo danaha dawladda u adeegga, urur kasta rag baa laga dhex sameeyey qaarna waa la iska horkeenay qaarbaa xildhibaano loo balan qaaday iyo shaqo dawladeed kuwaas oo qaybtoodna laga dhabeeyey qaybna lagu booday markii dantii laga lahaa laga gaarey. Hab-dhaqankaaslaga fili mayn dawlad ay dhab ka tahay hirgelinta nidaamka qof iyo cod ee waxaa laga filaayey inayan fargelin ururadda curdinka ah ee dhismaaya balse ayba taageerto si ay ururo micno leh u noqdaan.
  2. Dawladu waxay isku dayday maadaama ay rag ka samaysatay ururada inay ururadu soo jeediyaaan in doorshada sadexda degmo la hakiyo taas oo dhacday in ururadu ay soo jeediyaan arrintaas qoraalna saxiixaan marka laga reebo Ururka Mideeye hase yeeshee gudigii doorashada oo arrintaas gaashaanka u duruuray darteed waxay keentay in madaxda ururadda Sincad iyo horseed ay ka laabtaan go, aankaas, Sadex urur iyo Guddigii doorashaduna ay shir jaraaid qabtaan wada jir ah halkaasna uu isku daygaasu ku fashilmay.
  3. Intaas kuma joogine Madaxweynuhu markii doorashada sadexda degmo soo dhowaatay wuxuu toos ula hadlay Madaxdii guddiga kana codsaday inay joojiyaan doorashada sadexdaa degmo hase yeeshee waxay si cad ugu sheegeen inaysan sidaas yeeli karin iyagu balse Madxweynuhu uu isagu amar madaxweyne ku joojiyo doorashada taas oo uu Madaxeynuhu u bareeri kari waayey
  4. Markii doorashadii dhacday maalmo ka dib ayuu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday taliyihii Booliska Puntland ka dib markii uu dhexdhexaad ka noqday arrimaha doorashada fulina waayey amaro ay dawladu rabtay inay ku boobto goob doorasho oo Qardho ku taaley.
  5. Markii la arkay natiijadii doorasahda in dawladdu aysan natiijo fiican ka keenin ayey go’aansatay inay calaqdo hiregilnta natiijaddii doorashada taasoo qaadatay muddo shan bilood iyo siyaado ah
  6. Markii xulashadii xubnaha baarlamaanka federaalku dhamaatay shan biloodna laga soo wareegay iyo siyaado ayey dawladu istiri markaan dadkii waa daalay abaarina waa haysaa waana la niyad jabay ramadaan baa lagu jiraa ee aan ka faaidaysno codkana waa qarsoodi maadmaama aynu sharcigij beddelnay oo cod bixinta qarsoodi ka dhignay halka markii hore sharcigu ahaa haddii tartamayaashu laba ka bataan cod bixintu waxay noqonaysaa qarsoodi maadaama laga yaabo in dhowr wareeg loo baaahdo haddiise tartamayaashu laba noqdaan cod bixintu waa gacan taag
  7. Maanta cod bixinta ka dhacday Ufeyn laba musharax baa tartamaayey cod bixintiina qarsoodi bay ahayd maadaama sharcigii horay loo bedelay hase yeeshee dawladdi jab baa meeshaas kaga dhacay wixii ay qorsheeyeena halkaas buu maanta degmada Ufeyn looga adkaaday sidoo kalena looga adkaan doonaa labada degmo oo haray.

Madaxweyne Deni Habdhaqankiisa dawladnmo waa kaas haddana wuxuu ku dhawaaqay Musharax dawladda federaalka ah maantana Soomali baahi weyn bay u qabtaa qof iyo cod marka ma laga fili karaa Madaxweyne Deni inuu nidaamkaas Soomaali ka hirgeliyo? jawaabtu waa Maya aniga aragtidayda idinkuna fikirkiina xaq baad u leedihiin inaad cabirtaan.

Qore: Axmed Siciid Aw-nuur

Wasiir hore ee Puntland

Disclaimer

Qoraalkani waxa uu ka turjumayaa ra’yiga qoraaga ee maaha mid ka turjumaya daabacaadda Horseed Media.

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ma’ahan in Horseed media lagu Qoro Dacayd aan wax micno ah sameynan,mida kale puntland oo hada ku socota wada Dimoqoradiyada in tash wish lagaliyo loma bahana,wa jirtay in aay hakatay hawlaha soda ayey ahayd,lakin hader mel fican aya wax marayan.